Aqalka sare ee BFS oo la filayo in uu akhrinta labaad mariyo hindise shrciyeed muhiim ah

0
46

Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan xaruntooda magaalada Muqdisho kaas oo la filayo in saacadaha soo socda uu furmo.

Ajendaha kulanka golaha aqalka sare ayaa waxaa uu yahay akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka jaangoynta iyo tayo-dhawrka Soomaaliyeed kaas oo akhrinta koobaad horay loo mariyay.

Shirkan waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha golaha aqalka sare ee dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo labadiisa ku-xigeen.

Xalay ayaa Xildhibaanada golaha aqalka sare lagu wargeliyay in uu jiro kulankan isla markaana laga doonayo in ay soo xaadiran kulankaas si loo dardargeliyo Shaqooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here