Muwaadin Soomaali oo ku geeriyooday shil ka dhacay Koonfur Afrika

0
37

Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa ganacsatada ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo waramayaa inuu ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay gobol ka tirsan dalkaas.

Shilkan oo ahaa mid gaari ayaa ka dhacay gobolka Limpopo ee Koonfur Afrika kadib markii gaari uu watay muwaadinkan Soomaaliyeed uu ku dhacay gaari kale.

Allaha u naxariistee marxuumka geeriyooday waxaa lagu magacaabii jiray Cabdirisaaq Axmad Carabwuxuuna kamid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh goobaha Ganacsi.

Dalka Koonfur Afrika waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal khasaaro gaysta kuwaas oo qaarkood ay waxyeelo kasoo gaarto dadka Soomaalida ah ee halkaas ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here