Wufuud heer caalami ah oo Kismaayo ku soo waajahan

0
1320

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa la filayaa in saacadaha inagu soo aadan ay soo gaadhaan wufuud kala duwan oo heer caalami ah.

Mid kamid ah labadan wafdi waxaa hogaamin doona safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ambasador Donald Yamamoto halka wafdiga xigana uu hor kici doono taliyaha guud ee taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, Stephen Townsend.

Masuuliyiintan ayaa kulan la qaadan doona madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam

Amniga magaalada Kismaayo ayaa maanta si wayn loo adkeeyayiyada oo sidoo kale magaalada laga dareemayo diyaar garow balaadhan oo loogu jiro qaabilidda wufuudan.

Safarka wufuuddan iyo kulamada ay la qaadan doonaan madaxwayne Axmad Maxamad Islaam waxaad kala socon doontaan Jubbaland TV iyo bareheenna bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here