Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyey xeerka duulista rayidka xeerar kalena ka dooday

0
315

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulan weynaha Golaha shacabka waxana shir guddominaya guddomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.

AJendayaal dhawr ah ayaa maanta lagaga hadlayaa kulanka kuwaas oo ay ka mid yihiin warbixinta hindise-sharciyeedyada ka soo noqday Aqalka Sare sida sharciga doorashooyinka qaranka heer federaal, sharciga duulista rayidka, sharciga jaan-gooynta iyo tayo-dhawrka Soomaliyeed, sharciga tirokoobka qaranka, hindise sharciyeedka heerka warbaahinta, hindise sharciyeedka hawlgabnimada iyo xaqsiinta ciidamada, qaybinta hindisaha dib-u-eegidda iyo kaabidda sharciga xisbiyada siyaasadda dalka.

Kulanka ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa ay ku ansixiyeen  xeerka duulista rayidka kaas oo ay 142 Mudane u codeeyeen, 2 Xildhibaan ay diideen uusanna jirin xildhibaan ka aamusay dib u eegistii uu Aqalka Sare soo meel mariyay.

Maamulka hawada sare ee Soomaaliya waxaa lagu hagi doonaa xeerkan marka madaxweynaha Jamhuuriyadu saxiixo oo lagu soo saaro faafinta rasmiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here