Mike Pompeo oo shaaciyey xilliga la saxiixayo heshiiska Taliban

0
126

Xogahayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in Mareykanka uu u diyaar garoobayo saxiixa heshiis uu la galayo kooxda Taliban 29-ka bishan February, kaasi oo ku imanaya xabbad-joojin muddo todobaad ah oo lagu yareynayo rabshadaha dalkaasi.

“Marka lagu guuleysto hergelintan isfahamkan, waxaan ku raja weynnahay saxiixista heshiiska Mareykanka iyo Taliban inuu horey u socdo” ayuu Pompeo ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray ka dib markii uu booqday dalka Sacuudiga.

Afhayeenka Guddiga Amniga Qaran ee Afghanistan Javed Faisal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in isfahamka “yareynta rabshadaha” ee soconaya muddada halka toddobaad una dhexeeya Taliban, Mareykanka iyo xukuumadda Afghanistan uu goordhow bilaaban doono.

Xabad-joojintan toddobaadka ah ayaa noqoneysa tallaabo taariikhi ah ka dib muddo ka badan 18 sano oo dagaallo ba’ani ay ka socdeen Afghanistan, waxayna wadada u xaareysaa heshiis lagu dhameynayo colaadda dalkaasi.

Pompeo ayaa sheegay in wadahadallada dhinacyada Afghanistan ay si dhaqsa ah u bilaaban doonaan marka heshiiska lagu kala saxiixdo 29-ka bishan Febraayo magaalada Doha ee dalka Qatar.

Waxa ay “ku dhisi doonaan tallaabadan asaasiga ah si loo gaaro xabad-joojin rasmi ah, iyo qorshaha mustaqbalka siyaasadeed ee Afghanistan” ayuu yiri Pompeo.

Pompeo ayaa sheegay iney weli caqabado badani jiraan laakin horumarka ilaa iyo haatan la sameeyey uu keenayo rajjo, iyo fursado dhab ah. “Mareykanku waxa uu ugu yeerayaa dhammaan dhinacyada Afghanistan iney fursaddan ka faa’iideystaan.” Ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here