Laamaha ammaanka Boosaaso oo soo saray miino

0
286

Laamaha ammaanka Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa soo saaray miino ay kooxo dhagar qabayaal ah ku aaseen xaafadda Jidka Soddanka ee magaaladaas.

Warka ayaa intaasi ku daraya in arrintaasi ay suuro gashay kadib markii ay soo sheegeen dadka xaafadaas dagan.

Ciidamada amniga ku guulaystay in ay si dhib la aan ah u kala furfuraan miinadaani oo loogu tala galay dhibaataynta bulshada xaafadaas.

Ciidamada booliiska oo kaashanaya laamaha sir doonka ayaa baadhitaan baahsan ka bilaabay xaafadaas si loo aqoonsado dhagarqabayaashi ka dambeeyay falkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here