wafdi uu hogaminayo wasiirka wasarada kallumaysiga jubbaland oo kormeer ku tagey qaar ka mid ah jasiiradaha gobolka jubbada hoose

0
327

Wasiirka Wasaaradda kalluumaysiga iyo Khayraadka badda ee Jubbaland Ibraahim Cabdi Xassan iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa kormeer ku tegay deegaanada iyo Jasiiradaha dhaca Koonfurta magaalada Kismaayo ee hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

Socdaalka wafdiga oo qaatay muddo afar cisho ah ayaa waxaa wasiirka ku wehlinayey Agaasimaha guud ee Wasaraadda, Guddoomiye k-xigeenka maamulka degmada Badhaadhe iyo masuuliyiin kale.

Waxay mid mid u booqdeen jasiiradaha Juula, Jawaay, Madhawo iyo deegaanka Kudhaa, waxayna kalluumaysatada ku dhaqan deegaanadaas u qaybiyeen agabyo kala duwan oo kalluumaysi oo ay kamid yihiin Doonyo, Matoorro, Soolar, Firinjeerro iyo qalabka lagu soo dabo kalluunka.

Guddoomiyeyaasha jasiiradaha Juula iyo Jawaay Jaylaani Maxamed Bakaari iyo Ismaaciil Baana Cabdalla oo wasaaradda kalluumaysiga si wadjira uga guddoomay agabka kalluumaysi ayaa u mahad celiyey masuuliyiinta wasaaradda.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Badhaadhe Yuusuf Maxamed Ibraahim waxa uu geestiisa mahad celin ballaaran u jeediyay wasaaradda kallumaysiga Jubbaland.

Agaasimaha guud ee wasaarada Kalluumaysiga Jubbaland Maxamed Khaliif ayaa faah faahiyey agabyada ay jasiiradahaan gaarsiiyeen.

Wasiiirka Wasaraadda Kalluumaysiga Ibraahim Cabdi Xassan ayaa sharraxay qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradda Kalluumaysiga Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here