Guddiga ka hor tagga iyo u diyaar garawga xanuunka Coronavirus ee Jubbaland oo soo saaray go’aamo lagaga hor tagay faafka xanuunkan

0
181

Guddiga heer dawlad Goboleed ee u diyaar garawga iyo ka-hortagga xanuunka coronavirus ee Jubbaland ayaa soo saaray go’aamo lagaga hor tagayo faafka caabuqqa Coronavirus ee sida xawliga leh caalmka ugu faafaya.

Guddigan ayaa amar ku bixiyay in dhammaan goobaha waxbarashada dawlad goboleedka Jubbaland sida jaamacadaha, dugsiyada hoose-dhexe, iskuulada hoyga, dugsiyada sare, malcaamadaha iyo dhamaan goobaha kale ee waxbarasho in la fasaxo muddo 2 todobaad ah oo ka bilaabanaysa 25 maarso 2020.

Wuxuu sidookale guddigu amray in la joojiyo dhamaan isu imaatinada bulshada sida xafladaha, aroosyada, shirarka, casumaadaha, ciyaaraha, tababarada iwm si looga fogaado faafidda xanuunka safmarka ah.

Waxaa sidoo kale go’aamada guddigan ka soo baxay kamid ah go’aammo ku wajaahan maamulka iyo imaamyada masaajidda iyo dadka masaajidda ku cibaadaysta oo ay kamid yihiin:

  • in la xiro musqulaha iyo meela lagu weyso qaato ee ku dhex yaala masaajidyada.
  • In qofkii dareema calaamadaha muujinaya hargabka uusan imaan masaajiddada uuna ku tukado gurigiisa si uusan ugu talaalin bulshada kale
  • in la furo daaqadaha masaajidda xiliyada salaadaha si loo helo hawo nadiif ah
  • In iimaamyada masaajidadu ay kordhiyaan ducada alla-bariga/qunuudka ah ee xiliyada salaadaha
  • In masaajidada la dhigo qalabka farxalka kaas oo ka caawinaya bulshada soo galaysa masaajidka in ay dhaqadaan faraha inta aysan galin masaajidka si uu jeermisku u dhinto.

Xuduudaha oo ah goobaha uu sida fudud xanuunkan uga soo gudbi karo ayuu sidoo kale guddigu amar ku bixiyay in laga furo xarumo caafimaad oo lagu baaro dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya islamarkaasna meel gooni ah lagu hayo ciddii laga dareemo calaamadaha xanuunkaas iyo in sidoo kale la yareeyo isu socodka xudduudaha dhaca deegaannada dawlad goboleedka Jubbaland.

Wuxuu sidoo kale guddigu wasaaradda caafimaadka Jubbaland faray in garoomada diyaaradaha, dakadda Kismaayo iyo kaantaroolada ay ka hirgaliso xarumo caafimaad oo dadka lagu baaro.

Ugu dambayn, guddiga ayaa ganacsatada faray in aysan ka faa’iidaysan xaaladaha cudurka iyo musiibooyinka kale oo aysan shacabka ku qaaliyeyn maciishadda iyo agabka kale ee aadka loogu baahan yahay isla markaana shacabka reer Jubbaland ugu baaqay in ay sare u sii qaadaan heerka nadaafadda iskuna wacyi-galiyaan si loola dagaalamo xanuunkan ilaa haatan daafaha caalamka asiibay dad ay tiradoodu kor u dhaafayso 380,000 una dhinteen in ka badan 16,500.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedkan oo dhammays tiran:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here