Magaalada Kismaayo oo maanta lagu soo bandhigay Buugga siyaasadda maaraynta shaqaalaha dowladaha hoose

0
29

Munaasabaddaan oo ay soo agaasintay wasaaradda arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Jubbalaand oo lagu daah furaayey 2-Book oo ka tujumaya siyaasadda maareynta shaqaalaha iyo sidoo kale shuruucdii ay ku shaqeyn lahaayeen shaqaalaha Dowladaha hoose ayaa lagu qabtey hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo.

Buugaagtan oo ka turjumaya habraaca shaqaaleysiinta iyo xeerarkooda ayaa waxaa soo saaristooda muddo ku howlanaa wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbalaand, Iyadoo ugu dambeyn si rasmi ah ugu wareejisey dhaqan galintooda Dowladda hoose ee Degmada Kismaayo.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbalaand ayaa ka hor inta aysan qabanin muunasabadda daahfurka Buugaagtan soo bandhigidooda la wadaagtey Xildhibaanada golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbalaand, Iyagoo soo ansixiyey dhaqan gelinta buugaagta.

Ku dhaqanka shuruucda ku xusan Buugaagtan ayaan kaliya ku e kaan doonin Magaalada Kismaayo, Waxaana sida qorshuhu yahay laga dhaqan gelin doonaa dhammaan gobolada Jubbalaand ee nabdoon.

Munaasabadda ayaa waxaa ugu horeyn daah furay islamarkaana madasha ka sheegay in aan la dhayalsanin dhaqan galitooda shuruucdan ku xusan Buugagta Wassiirka Wassaaradda Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbalaand Maxamed Warsame Darwiish.

Waxaa isna madasha ka hadley islamaraakana hambalyo munaasabadda uga direy shaqada adag ee ay qabatey wasaaradda arimaha Gudaha Jubbalaand Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa magaalada Ibraahim Yuusuf Timajilic.

Ugu danbeynti waxaa madasha soo gunaanadey dhambaal hambalyo ahna munaasabadda uga direy hawsha adag ee ay ku dhiirratey hirgalinteeda Wassaaradda arimaha Gudaha Jubbalaand Madaxweyne Ku xigeenka 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbalaand Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here