Wasiirka cadaaladda Jubbaland oo daah-furay tartan Qur’aan akhris ah oo sanadkiiba mar la qabto

0
71

Tartankaan Qur’aan Akhriska Ee Mu asasada Al Qeyraad ayaa Ka Mid ah Tartan Quraan Aqris ah oo Sanadii 7 Aad ay Qabaneyso Mu Asasada.

Ardayda baratay Qur’aanka ayaa ku tartami doona caddadka Qur’aanka ee 30-ka jus, 15-ka jus, 10-ka jus iyo 5-ta jus ee ugu hooseysa, waana tartan sanadle ah oo sanadkiiba mar la qabto.

Xaflada Furitaanka Tartanka Qu’Aan Aqriska aya Waxaa Ka Soo Qeeb Galay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Garsoorka iyo Arimaha Diinta Jubbaland Wasiirka Wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Tamarta Jubbaland Masuuliyiinta Mu Asasooyinka Al umah Al Qeyraad Walidiin iyo Marto Sharaf Kale

Maamulaha Mu Asasada Al Qeyraad Cabdiraxmaan Cusmaan Jaamac ayaa Ogu Horeeyn Martida ka Soo Qeeb Gashay Furitaanka Tartanka Qu’Aan Aqrinta u Sharaxay Wax Qabadka Mu Aasasada iyo Dadaalada Xoogan Ee ay ku Bixiyaan Soo Saarista Arday Diinta ku Tartanka.

Qaar ka mid ah Walidiinta ka Soo Qeeb Gashay Furitaanka Tartanka Qur’Aan Aqriska ayaa u Mahadceliyay Maamulka iyo Macalimiinta Madarasada Al Qeyraad

Wasiirka Wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Tamarta Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Muxumad ayaa Culimada kula Dar-daarmay inay Tayeyaan Goobaha Lagu Barto Diinta Islaamka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Garsoorka iyo Arimaha Diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar oo Furay Tartanka Quraan Aqriska ayaa Sheegay in Wasaaradda Ay Juhdi iyo Dadaal Xoogan Ku Bixineyso Sare u Qaadista Diinta Islaamka xarumaha lagu barto Quraankana ay dhisi Doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here