Golaha Wakiilada Jubbaland oo baaq nabadeed kasoo saaray colaad kasoo cusboonaatay galbeedka Kismaayo

0
96

Xildhibaanada golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Jubbalaand ayaa maanta isugu yimid kal-fadhigii 2-aad kulankiisii 6-aad, kulanka waxaa baaq nabaeed loogu diray beelo ood-wadaag ah oo dad isaga laayey deegaano dhaca galbeedka magaalada Kismaayo, sidoo kale kulanka xildhibaanada waxaa lagu taageeray Ciidanka Daraawiishta Jubbalaand ee shaqada adag u haya shacabkooda.

Soo bandhigidda iyo ka hadalka dhibaatooyinka ay Dowladda Federaalku ku hayso Jubbaland iyo ku iftiiminta ku tumashada shuruucda dalka ayaa sidoo kale qayb ka ahaa qodobada looga hadlay fadhiga Baarlamaanka Jubbaland.

Intii kulanku socday waxaa laga dooday sidii loo xallin lahaa colaad labo beelood oo walaalo ah maalmihii lasoo dhaafay ku dhexmartay galbeedka magaalada Kismaayo, colaadda beelaha ayaa sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbalaand oo shir guddoominayey kulanka ayaa farriin nabadeed u direy shacabka walaalaha ah ee dhiillada colaadeed ka dhex aloosan tahey.

Intaa kadib waxaa iyana madasha baaq uga direy shacabkaa walaalaha ee bilaa macnaha isu dhammeynaya in ay isu tanaasulaan Xildhibaanada Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Jubbalaand ee soo xaadirey fadhiga golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here