Heshiis laga gaaray xirmo $2 trillion ah oo lagu samata-bixinayo dhaqaalaha Mareykanka

0
64

Senatorada Mareykanka iyo maamulka madaxweyne Trump ayaa heshiis ka gaaray sharciga xirmo dhaqaale oo dhaqaalaha Mareykanka looga samata-bixinayo saameynta xooggan ee uu ku yeeshay cudurka Coronavirus.

Senate-ka ayaa la filayaa inay maanta u codeeyaan xirmadan dhaqaale oo ka kooban 2-trillion oo dollar, ayada oo xubnaha Aqalka Wakiiladana ay ku xigsan doonaan.

“Tani waa maal-gelin xilli dagaal lagu sameynayo dalkeena,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha Aqlabiyadda Senate-ka Mitch McConnel, isaga oo heshiiska uga dhowaaqaya sagxadda Aqalka Senate-ka, kadib maalmo wada-xaajood uu u socday sharci-dejiyayaasha Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga iyo Xoghayaha Maaliyadda Steve Mnuchin.

Hoggaamiyaha xubnaha Dimoqraadiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa tallaabadan ugu yeeray “Xirmadii ugu ballaarneyd taariikhda Mareykanka ee lagu badbaadinayo dhaqaalaha.”

“Caawimaad ayaa soo socota, caawimaad weyn oo deg deg ah,” ayuu yiri Schumer.

Xirmadan dhaqaale ayaa la filayaa in 500 oo bilyan oo dollar oo ka mid ah lagu caawiyo shirkadaha uu sida xooggan uu u saameeyey cudurka Coronavirus, ayada oo qoysaska Mareykankana ay heli doonaan jeeg lacageed oo toos uga imanaya dowladda.

Waxaa sidoo kale xirmada ku jira 350 bilyan oo dollar oo la siinayo ganacsiyada yaryar, iyo 250 bilyan oo loogu talo-galay in la siiyo dadka ay shaqo la’aanta ku dhacdo, inta ay shaqo ka helayaan.

Schumer ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xirmada ay qeyb ka tahay 100 bilyan oo dollar oo la siinayo isbitaalada iyo nidaamyada caafimaadka dalka, halka 150 bilyan ay aadi doonto gobollada iyo dowladaha hoose, si ay ula dagaalamaan faafitaanka cudurka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here