Hindiya oo bandow ku soo rogtay in ka badan 1 bilyan oo ruux

0
60

Dawlada Hindiya ayaa Talaadadi shalay ahayed qaaday tallaabadi ugu adkayd ee uu dal kula tacaalo cudur-sidaha Corona kaddib marki ay bandaw galisay dhammaan waddanka kaasoo ku khasbaya in ka badan 1 bilyan iyo saddex boqol oo milyan oo ruux in ay guryahooda joogaan muddo 21 maalmood ah.

Go’aankan oo uu ku dhawaaqay ra’isulwasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa dhaqan galay saqdii dhexe ee xalay xilliga Hindiya iyada oo uu Modi shacabka ugu baaqay in aysan argagixin.

Dukaamada lagu iibiyo cuntada ayaa safaf dhaadheer loogu jiray guud ahaan wadanka ka hor inta uusan bandawga dhaqangalin.

In ka badan 500 oo kiis oo coronavirus ah ayaa laga diiwaangeliyay Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here