Maamulka Shirkadda Hormuud oo Gaari Ambulance ah ku wareejiyey Isbitaalka guud ee Kismaayo

0
23

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa gaari nooca gaadiidka gurmadka deg dega ah ku wareejisay Isbitaalka guud ee Kismaayo si loogu loogu adeego bukaanada ay xaaladaha deg dega ah lasoo dersaan.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Isbitaalka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan shirkadda Hormuud, maamulka Isbitaalka Kismaayo, masuuliyiin ka socotay wasaaradda caafimaadka Jubbaland, Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland iyo qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka.

Maamulaha shirkada isgaarsiinta Hormuud laanta Kismaayo Axmed Mursal Nuur ayaa sheegay in gaarigan Ambulance-ka ah uu qayb ka yahay codsiyo uga yimid maamulka Isbitaalka, waxuuna sheegay in shirkaddu ay sii laba jibaari doonto deeqaha ay ku garab istaageyso Isbitaalka si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Isbitaalka guud ee Kismaayo Xuseen Sheekh Qaasim ayaa sheegay in ay jirtay baahi weyn oo loo qabay gaadiidkaan, isagoo u mahadceliyey Shirkadda isgaarsiinta Hormuud, waxa uu dhanka kale Agaasimuhu sheegay in gaarigan Ambulance-ka ah loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed ee ku nool degmada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Madaxa shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Jubbaland Maxamed C/qaadir oo sidoo kale munaasabada ka hadlay ayaa ka codsaday shirkadda Hormuud in ay ka qayb qaadato gudbinta fariimaha ku aadan wacyigalinta cudurka COVID19 ee ay waddo wasaaradda caafimaadka Jubbaland.

Gabagabii munaasabada Madaxa xiriirka bulshada ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa furaha gaarigan Ambulance-ka ku wareejiyey maamulka Isbitaalka Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here