Madaxwayne ku xigeenka labaad ee jubbaland oo xariga ka jaray xarumo lagu kaydiyo kalluunka

0
33

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiirada Kaluumaysiga iyo Ganacsiga Jubbaland ayaa maanta xarigga ka jaray labo xarumood oo loogu tala galay in ay ka faa’iidaystaan dadka Barakacyaasha ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Xarumahan maanta xarigga laga jaray ayaa ah kuwo loogu talagalay in lagu kaydiyo kalluunka marka badda laga soo saaro, sidoo kale waxaa lagu sameeyaa Barafka la qaato waqtiga jalaabashada la aadayo, waana goobo si heer sare ah loo dhisay islamarkaana agabyadoodii kale loo dhamaystiray.

Mid kamid ah dadkii ka faa’iidaystay mashruucaan oo warbaahinta la hadashay ayaa u mahadcelisay Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jubbaland oo ay sheegtay in ay si dhow u wada shaqeeyaan.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jubbaland Ibraahim Cabdi Xassan ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii ka qayb qaatay hirgelinta goobahan kalluunka lagu kaydinayo.

Madaxweyne Ku-xigeenka 2-aad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay hirgelinta goobahan muhiimka u ah dadka shaqo abuurka loo sameeyay ee danyarta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here