Golaha wakiilada Jubbaland oo mar kale DFS uga digay ku tumashada shuruucda dalka

0
75

Xildhibaanada golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Jubbalaand oo yeeshay kal-fadhigii 2-aad kulankiisii 6-aad, ayaa Dowladda Federaalka uga digay sii wadista ku tumashada Dastuurka dalka oo ay caadeysatay baalmaristiisa.

Fadhigan ayey Xildhibaanada kusoo bandhigeen qaladaadka joogtada ah ee DFS ay maalin walba ku dhiirrato sameyntooda, waxayna bannaanka soo dhigeen qaladaadkaasi si loogu iftiimiyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, Dowlad-goboleedyada iyo waddamada beesha caalamka.

Dowladda Federaalka ayaa go’doomisey islamarkaana xasilloonni darro ku beertey quluubta kumanaan shacab ah oo ku nool gobolka Gedo siiba degmooyinka Daawo, kuwaasi oo ilaa haatan ku jira go’doon iyo cabsi colaadeed.

Guddoomiyaha golaha wakiilladda Dowlada Goboleedka Jubbalaand oo shir gudoominaayey fadhiga ayaa ka dhawaajiyey in ilaa hadda ay isla saxan tahay Dowladda Federaalka islamarkaana ay ku sii dhiirraneyso ku tumashada dhammaan shuruucda dalka.

Intaa kadib waxaa iyana madasha ka hadlay Xildhibaanada golaha wakiilada, waxayna in badan iftiimiyeen kala qoqobka ay DFS ku dhex waddo bulshada Jubbaland iyo inaan loo dulqaadan doonin ku tumashada shuruucda dalka ee uu Dastuurku ugu horreeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here