Jubbaland oo bilowday qorshe lagu hirgelinayo waxbarasho bilaash ah

0
87

Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlad goboleedka Jubbalaand ayaa dedaallo lagu hormarinaayo tacliintooda ka wadda inta badan deegaanada xorta ah ee Dowlad goboleedka Jubbalaand, kuwaas oo u baahan in kor loo qaado waxbarashadooda.

Dedaalladan ayaa looga golleeyahay in kor loogu qaado islamarkaana dib loogu tayeeyo goobaha waxbarashada deegaanada xorta ah ee dowlad Goboleedka Jubbalaand.

Wasaaradda waxbarashada ayaa bilowdey dhaq dhaqaaqyadan loogu hirgalinaayo degmooyinka Jubbalaand kuwooda nabdoon ee aan haysanin goobo waxbarasho in loo dhiso islamarkaana la tayeeyo wax barashadooda.

Iskuulladan dedaalkooda ay waddo hirgalintooda wasaaradda waxbarashada Jubblaand ayaa qorshuhu yahey in laga dhigi doono lacag la’aan aan wax qarashaada lagu waydiin doonin ardeyda.

Wasaaradda oo bilowdey hirgalinta goobo wax lagu barto oo bilaash ah ayaa dhowaan magaalada Dhoobley kasoo dhagax dhigtay iskuul wax barasho.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada Dowlad goboleedka Jubbalaand Axmed Cismaan Siyaax oo aan wax ka weydiiney waxa uga qorsheysan ka wasaarad ahaan deegaannada nabdoon een haysanin goobo wax barasho ayaa waxaa uu dhawaajiyey in ay ka ga go’an tahey yagleelidda goobo wax barasho ka hirgelintooda dhammaan gobolada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here