Talyaaniga iyo Faransiiska Tiradda dhimashadda caabuqa Coronavirus oo hoos u dhacday

0
311

Heerka dhimashada ee Talyaaniga iyo Faransiiska – oo ah laba ka mid ah waddamada uu sida xun u saameeyey coronavirus  ayaa u muuqda inuu sii yaraanayo dadka u dhimanaya Cudurka iyo sidoo kale kuwa uu soo ridanaayo.

Hay’adda Ilaalinta Rayidka ee Talyaanigu waxay soo sheegtay tirada ugu yar ee dhimashada coronavirus tan iyo 19-kii Maarso, iyada oo 431 qof ay dhinteen 24-kii saac ee la soo dhaafay, marka la barbar dhigo 619 maalintii hore.

Faransiisku waxay soo weriyeen in 315 ay ku dhinteen cusbitaalka maalintii ugu dambeysay, marka la barbar dhigo 345 maalin ka hor.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inuu khudbad u jeediyo shacabka markii sedexaad maanta laakiin waxaa la filayaa inuu carrabka ku adkeeyo baahida loo qabo in uu sii socdo bandowga.

Caalamka, in kabadan 114,000 oo qof ayaa u dhintey cudurka Coronavirus, halka ku dhawaad ​​422,000 ay kasoo kabsadeen, sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay jaamacadda Johns Hopkins.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here