Guddiga ka hor tagga Coronavirus ee Jubbaland oo shaaciyay kiisas 70 gaadhaya oo laga shakisanyahay

0
263

Guddiga ka hor tagga xanuunka Coronavirus ee Jubbaland ayaa ka war bixiyay xaaladihii u dambeeyay ee xanuunka fiidnimadii xalay ahayd laga xaqiijiyay deegaannada Jubbaland gaar ahaanna magaalada Kismaayo.

Gudoomiyaha guddigan ahna wasiirka arrimaha gudaha dawlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamad Warsame Darwiish oo war baahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ay jiraan 2 bukaan oo fiidnimadii xalay ahayd la xaqiijiyay in laga helay xanuunkan kuwaas oo noqonaya kiisaskii u horreyay ee laga diiwaan galiyo deegaanada Jubbaland.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay jiraan kiisas ay tiradoodu gaadhayso 71 kiis oo laga shakisanyahay isla markaana laga dhur sugayo natiijooyinka baadhitaanada kiisaskan si loo xaqiijiyo.

32 kamid ah bukaannadan ayuu gudoomiyuhu xaqiijiyay in ay ku suganyihiin magaalada Kismaayo halka 21 ay ku suganyihiin deedaanka Dhoobleey, 14 ay joogaan Baladxaawo halka 4 kalena ay joogaan Ceelwaaq.

Gudoomiyaha guddiga ayaa sidoo kale sheegya in 2 goobood oo lagu karantiilayo dadka laga helay xanuunkan la asteeyay isla markaana la adeegyada ay goobahan u baahnyihiin mudada u yar loogu dhammays tiri doono hawshanna loo xil saaray wasaaradda caafimaadka iyo guddiga dhakhaatiirta Jubbaland.

Guddiga ayaa ugu dambayn walaac ka muujiyay in agabka caafimaad ee loo asteeyay la tacaalidda xaaladaha xanuunkan ee ay dawladda federaalka u soo dhiibtay Jubbaland ay aad u yaryihiin kuna filnayn daboolidda baahida deegaannada Jubbaland oo ay soo gaadheen kaliya 24 xabo oo kaliya wuxuuna guddigu xukuumadda federaalka dalka ugu baaqay in aan la siyaasadaynin dadaallada ka hor tagga xanuunkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here