Tirada Dadka Coronavirus ugu dhintay Puntland oo kordhay

0
63

Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen natiijada baaritaano lagu sameeyey dad lagu arkay astaamaha Cudurka,kuwaas oo qaarkood laga helay.

Qoraal kasoo baxay Guddiga oo uu Warbaahinta u Akhriyey Afhayeenka Madaxtoyada Puntland Jaamac dabaraani ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 24 Ruux waxaana laga helay Cudurka 13 ruux taas oo ka badan labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenka in dadka Cudurka laga helay ay kala joogaan 5 ruux magaalada Galkacyo Gobolka ee Mudug, 4 ruux Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari halka 4 ruux oo kale ay joogaan Magaalada Garowe Gobolka Nugaal.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Tirada Dadka xanuunka laga helay Puntland ay gaartay guud ahaan 111 Ruux, waxaa dhintay 5 ruux sidoo kale ay ka bogsadeen 3 Ruux.

Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaacisay in deegaannada Maamulkaas laga diiwaangeliyay 9 Kiis oo Cudurka Coronavirus ah,kuwaas oo isugu jira 8 Rag ah iyo hal dumar ah.

Waxaa ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed dadkaasi ay kala joogaan 6 Ruux Magaalada Baydhabo 3 Ruux Magaalada Buurhakaba,waxaana Tirada Dadka xanuunka laga helay Koonfur Galbeed ay gaartay 33 Ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here