Boqorka Urdun oo u digay maamulka Yahuuda

0
261

Boqorka Urdun ayaa Yahuuda uga digay “khilaaf weyn” haddii ay ku dhaqaaqdo qorsheyaal ay ku doonaysom in ay ku goosato dhulal badan oo ka mid ah Daanta Galbeed ee Falasdiin ee ay guumaysiga ku haysato.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ay isla gartay in la qaado dadaallo diblomaasiyadeed oo ay isku dayaan in ay meesha ka saaraan tallaabadaas.

Xukuumadda Yahuuda ayaa ballan qaaday in ay sharciyaysanayso oo dalkeeda ku darayso dhul deegaameysan iyo dooxada Urdun, taas oo hor seedi karta dhamaadka geedi socodka nabada ee mudada dheer soo jiitamayey maadaama ay gabi ahaanba meesha ka saarayso suura galnimada in la dhiso dawlad madax bannaan oo ay leeyihiin Falasdiiniyiinta.

“Haddii Israa’iil dhab ahaantii ay la wareegto Daanta Galbeed bisha Luulyo, waxay hor seedi doontaa khilaaf ballaaran oo lala galo Boqortooyada Haashimiyadda ee Urdun,” ayuu yiri boqor Abdullah.

Boqor Cabdullah ayaa hadalkan yidhi xilli uu saxaafadda la hadlayay isaga oo yidhi, “Ma doonayo in aan hanjabaad ku dhaqaaqo oo aan abuuro jawi is qabqabsi, hasayeeshee waxaan ka fakaraynaa tallaabom walba oo xal noqon karta. Dalal badan oo Yurub ah ayaan isku raacsannahay in aysan ahayn in Bariga Dhexe lagu dhaqo awood iyo maquunin.”

Raiisul wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo dhaw iyada oo la gaadhay heshiis lagu soo dhisayo dawlad kadib in kabadan hal sano oo isqabqabsi siyaasadeed uu carriga Yuhuudda hareeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here