Israaiil oo xil wasiir u magacawday haweeneey Itoobiya ka soo jeeda

0
347

Haweeney lagu magacaabo Nita Tamano Shata oo kamid ah Yuhuudda Itoobiya ee Israa’iil dib loogu celiyey ayaa loo magacaabay in ay noqoto wasiirka arrimaha qoxootiga.

Haweeneydan oo ka tirsan xisbiga ra’isul wasaaraha cususb ee Israa’iil Beni Gantez ayaa noqotay haweeneydi u horraysay oo Yuhuudda Itoobiya ka soo jeedda oo golaha wasiirrada Israa’iil ka mid noqota.

Magacaabidda golaha wasiirrada cususb ee Israa’iil ayaa in muddo ah dib u dhacay kadib marki ay dowladda wadajirka ah ee ay xisbiyadu dhisayeen lagu heshiin waayay.

Waxaa ugu dambayn la filayaa in maalinnimada Axadda ee barri ah lagu dhawaaqo golaha cusub ee wasiirrada ee xukuumadda isbahaysiga bah ee Israaiil.

Yuhuudda Itoobiyaanka ah ee Israaiil ayaa lagu soo daad gureeyay Israaiil xilligi ay Itoobiya ka arrimineysay xukuumaddii military ee uu hoggaanka u hayay Mangistu Haylamaaryaam sanadihii 1984 ilaa 1985 xilligaas oo uu sir doonka Israa’iil ee Mosad howlgal ay fuliyeen ku soo daabuleen Yuhuuddi ku sugnayd dalka Itoobiya xilligaasi oo ay Nati da’deedu ahayd 3 sano.16,000 oo ruux oo kamid ah yahuudda Itoobiya ayaa xilligaas lug ku tagay dalka Suudaan kaddibna halkaasi diyaarado ay Israa’iil leedahay lagaga daad gureyey. Inta ay dadkaasi waddada u dhaxeeysa Itoobiya iyo Suudaan ku sii jireen waxaa dhibaatooyin kala duduwan ku nafwaayey 1,500 oo ruux oo iyaga kamid ah.

Yuhuudda Itoobiya laga qaaday oo Israa’iil la geeyey ayaa marar badan ka cawda cunsuriyad ay kala kulmaan yuhuudda inteeda kale.

Yuhuudda Itoobiya ee ku nool Israa’iil oo haatan tiradooda lagu qayaaso 140,000 oo intooda badan shaqa la’aan ah ayaa ka mid ah muwaaddininta Israa’iil ee saboolka ah.

Yuhuudda ku nool waqooyiga dalka Itoobiya ayaa gudaha dalkaasi looga yaqaannaa ama looga yeeraa ‘Falaashaa’ uu micnahiisu yahay ‘soo galooti’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here