Midowga Yurub oo dalalka Geeska Afrika ugu deeqay 105.5 oo milyan oo Yuuro

0
274

Midawga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu dalalka geeska Afrika siin doono dhaqaalle dhan 105.5 milyan oo Yuuro oo dheeri ah si wax looga qabto cudurka halista ah ee Coronavirus kaas oo dalalka Geeska Afrika si wayn ugu sii fidiya.

Midawga Yurub ayaa sheegay in xaalada bini’aadminimo ee gobolka ay liidato iyada oo ay dad badan wali la daala dhacayaan dagaalada hubaysan, barakaca, abaaraha soo noqnoqda iyo daadadka loo baahan yahay in la taageero.

“Midawga Yurub waxaa ka go’an in uu gacan ka gaysto wax ka qabashada baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira dalalka Geeska Afrika. Gargaarka Midawga Yurub wuxuu taageeri doonaa bulshada dhibaataysan wuxuuna xoojin doonaa tallaabooyinka lagaga hor tagayo faafka xanuunka Coronavirus,” ayaa lagu yiri war qoraaleed ka soo baxay Midawga Yurub.

Deeqdan lacageed ayuu Midawga Yurub sheegay in dalalka Geeska Afrika ay u heli doonaan sida xigta:

  • Jabuuti 500,000 oo Yuuro
  • Itoobiya 42 milyan oo Yuuro
  • Kenya 15 milyan oo Yuuro
  • Soomaaliya 48 milyan oo Yuuro

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 24 ruux ay ku dhinteen daadadkii maalmihii tagay ka dhacayay gobollada dalka Soomaaliya in ka badan 283 ruuxna ay guryohooda ka bara kaceen. Daadadkaas ayaa saameyay 700 oo kun oo ruux oo ku nool 24 dagmo oo kamid ah dagmooyinka dalka sida warbixintan lagu xusay.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Isku-duwidda Gargaarka ee ee Qaramada Midoobay ee UNOCHA, daadadkan ayaa yimid xilli waddanku uu la daalaa dhacayo xakamaynta faafka xanuunnka COVID-19 oo ilaa iyo hadda ay u dhinteen inta la xaqiijiyay 53 ruux 1,284 oo ruuxna ku dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here