Puntland oo shaacisay kiisas cusub oo xanuunka COVID-19 ah

0
59

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo bandhigtay natiijada ka soo baxday baaritaano lagu sameeyay dad looga shakisnaa cudurka Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa lagu sheegay in 24kii saacadood ee tagay xanuunka COVID-19 laga baadhay 24 ruux, isla markaana Cudurka laga helay 11 kamid ah dadkaas kuwaas oo la geeyay xarun karantiil.

7 ruux oo kamid ah dadka laga helay cudurka ayaa ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Nugaal halka 4-ta kalena ay ku sugan yihiin Gobolka Karkaar ee Puntland. 7 kamid ah dadkan ayaa rag ah halka 14ka kelena ay yihiin dumar.

Tirada guud ee dadka laga helay xanuunka COVID-19 ee deegaannada Puntland laga diiwaan galiyay ayaa haatan gaadhay 136 Ruux iyada oo ay 5 ruux oo dadkan kamid ah xanuunkan saf marka ah u geeriyoodeen 3 ruuxna ay ka caafimaadeen.

Guddiga ka hor tagga faafka caabuqqa COVID-19 ee Puntland ayaa shacabka ugu baaqay in ay raacaan talooyinka Caafimaad ee ay u jeedinayan dhakhaatiirta si loo xakameeyo faafka xanuunkan dunida daashaday bilihii ina soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here