Taliyaha madaxtooyada Puntland oo xilka la wareegay

0
259

Taliyaha Cusub ee Madaxtooyada  Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidamada Madaxtooyada G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf.

Munaasibadda xilwareejinta oo ka dhacday Rugta Ciidamada Madaxtooyada waxaa ka qeybgalay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta  Puntland Sareeye Guuto Axmed Cali Salaad, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir  iyo dhammaan Saraakiisha Ciidamada ee Madaxtooyada .

Dhammaan Madaxdii hadashay ayaa u rajeeyey guul iyo shaqo wanaagsan Taliyaha cusub ee ciidamada Madaxtooyada dowladda Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed.

Khilaaf xooggan ayaa ka dhashay Magacaabista taliyaha maanta xilka la wareegay iyo ku xigeenkiisa ka dib markii uu kasoo horjeestay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here