Tiro dad ah oo la la’yahay kadib markii ay qaadeen fatahaadaha ku soo rogmay Baladwayn

0
279

Wararka ka imanaya Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in biyaha fatahaada uu halkaas ka sameeyay wabiga Shabeelle ay qaadeen dad ku sugnaa magaaladaas iyada oo qaar kamid ah dadkan la soo badbaadiyay.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in biyaha wabiga ay saacadihii ina soo dhaafay ay qaadeen 10 ruux oo ku sugnaa xaafadda Buundo Koowaad ee isku xirta Baladweyne iyo deegaanka Ceel-jaale waxaana la soo badbaadiyay 8 kamid ah dadkan.

Waxaa socda Gurmad xoogan oo loogu jiro sidii loo heli lahaa 2 ruux oo kamid ah dadkii ay daadadku qaadeen oo iyagu nolol iyo geeri midna aan la haynin.

Dhinaca kale waxaa qaar kamid ah xaafadaha magaalada Baladweyne ku go’doonsan dad badan oo uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabeelle kuwaas oo xaafadahooda ka soo bixi waayay.

Inta badan xaafadaha Baladweyne waxaa buux dhaafiyay biyaha fatahaadahan ay keeneen wuxuuna arrinkaas sababay in dad badan ay xaafadahooda ku go’doomaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here