Madaxwaynaha Puntland oo amar ka soo saaray agabka laga soo dajin karo dakadaha Puntland

0
80

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo qaar kamid ah agabka ka soo daga dakadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wareegto kas oo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa lagau mamnuucay in dakadda Boosaaso laga soo dajiyo caagadaha mustacmalka ah ee horay loo isticmaalay

Amarkan ayaa la faray wasaaradaha maaliyadda, ganacsiga, amniga, dakadaha iyo taliska ciidanka booliska Puntland kuwaas oo la faray in ay ku dhaqaaqaan dhaqan galinta amarka Madaxweynaha.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in xukuumadda ay la wareegayso caagadaha haatan dhex yaalla gudaha dakadda isla markaana ay magdhaw ka bixinayso sidoo kalena tallaabo laga qaadi doono ruuxii soo dajiya agabka la mamnuucay.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here