Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay amniga guud ee Puntland kana tacsiyeeyay geerida guddoomiyihii gobolka Mudug

0
368

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka hadlay amniga guud ee Puntland, qorsheeyaasha dhinaca amniga ah ee socda wuxuuna ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo maanta arxan laawayaasha ah cadowga ummada Soomaaliyeed ay ku dileen magaalada Gaalkacayo.

Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn ka tacsiyeeyay geerida guddoomiyihii gobolka Mudug isaga oo sheegay in falkaas argagixiso uusan niyad jab iyo baaqsasho ku keenayn shaqada socota, hawlgallada amni ee argagixisada lagu soo af jarayana ay sii socon doonaan inta dalka laga sifaynayo.

 Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaaladda la marinayo dadkii ka danbeeyay dilkii guddoomiyihii gobolka Nugaal iyo sidoo kale dadka lagu helo baaritaanada socda ee dilka guddoomiyaha la xidhiidha.

Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay in dhammaan xubnaha argagixisada ah ee ka danbeeyay weerarada noocan oo kale ah in cadaaladda la hor gayn doono lana xukumi doono, ciqaabtoodana lagu fulin doono fagaare bulshada horteeda ah.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa hawlgallo amniga lagu sugayo ka wada magaalooyinka waawayn ee dawlad goboleedkaas, waxayna fashiliyeen weeraro la maleegayey iyaga oo soo qabqabtay unugyada argagixisada ee magaalooyinkaas ku dhuumaalaysanayay.

Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland iyo ciidamadeeda aysan illaa iyo hadda jirin cid gacan ka siisay la dagaalanka argagixisada iyada oo ay dalalka iyo hay’addaha taageera Soomaaliya sheegaan in ay Soomaaliya ka taageeraan amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Ugu danbeyn madaxweynaha ayaa Shacabka Puntland ugu baaqay in ay dawrkooda ka qaataan illaalinta amniga iyo horumarka Puntland isaga oo si gaar ah fariin ugu diray dhallinyarada reer Puntland in ay dawladda kala shaqeeyaan amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here