Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu wareejiyay agab looga hortago cudurka Covid-19

0
38

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Heyadda CIS’isaga oo kala hadlay sidii Maamulka Gobolka Banaadir u gacan u siin lahaa una taageeri laheyd Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

Duqa muqdisho ayaa Agaasimaha Heyadda CIS kala wareegey Agab looga hortago ka hortagga iyo faafitaanka Cudurka Safmareenka ah ee Covid-19 oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya.

Agaasimaha Heyadda CIS ayaa balan qaaday garab istaag uu u muujinayo Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan daka danta yar oo wajahay dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Heyadda CIS ay kala wareegeen qalab jeermis dilo ah,kaas oo loogau talo galay ka hortaggo Cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here