Jubbaland oo war saxaafadeed ka so saartay hanaanka doorasho iyo marxaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo

0
185

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadashay Shirarkii dhawaan ku qabsoomay habka maqalka iyo muuqaalka ah ee ay yeesheen dawlada federaalka ah iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah iyo go’aanka guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka dalka.

Qoraal ka soo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Jubbaland ay ka qeyb gashay Saddex kulan oo looga hadlayay sida uu ku qabsoomi karo shir wadatashi ah oo dhex-mara madaxda dawladda iyo dawlad goboleedyada hayeeshee kulamadaasi ay fashil ku dhamaadeen.

Jubbaland waxaa ay sheegtay in xafiiska madaxweynaha uu sabab u ahaa fashilka ku yimid kulamada,isla markaan waxyaabah ugu weyn ee la isku fahmi waayay ay kamid ahaayeen waqtiga la qabanayo shirka iyo halka lagu qabanaayo.

Jubbaland ayaa sidoo kale soo dhaweeysay hadalkii dhawaan uu sheegay Ra’iisul Wasaare kheyre ee ahaa in doorashada waqtigeeda ku dhaceyso iyo qoraalkii xalay ee Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedkan oo dhammaystiran:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here