Kulankii golaha aqalka sare oo baaqday iyo sababta oo La shaaciyay

0
253

Kulankii Xildhibanada Aqalka Sare ayaa baaqday ka dib markii maanta aysan soo xaadirin kulanka qaar ka mid ah Senetarada Aqalka Sare ee ka soo hor jeedda gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeenkiisa koobaad.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in madaxtooyadda ay khilaaf ka dhex waddo Aqalka Sare, isla markaana maanta in kulanka uu baaqdo ay ka dambeeyeen.

Xildhibaanada ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka dambeeyay khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada Aqalka Sare.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in sharcigii doorashooyinka ee ay gudbiyeen in xubno kamid ah madaxtooyadda Soomaaliya ay wax ka badal ay ku sameeyeen arrinkaana uu yahay mid aan la aqbali karin.

Ugu dambeyntii waxa ay tilaamaameen in Madaxeyne Farrmaajo ay ugu baaqayaan in uu faraha kala baxo howlaha Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here