Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta kulan dagdag ah yeelanaya

0
29

Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa maanta oo Talaado ah yeelanaya kulan aan caadi aheyn, iyadoo xildhibaannada xalay loo diray farriimo qoraal ah oo lagu wargelinayo in ay kulanka soo xaadiraan.

Kulanka Baarlamaanka Jubbaland ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aano ku aadan ansixintii matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, kaas oo uu 2 maalmood ka hor uu ansixiyay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrinta ku saabsan matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ayaa waxaa ka soo hor jeeday xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka oo u badan kuwa ka soo jeeda deegaanada Jubbaland iyo  Puntland, kuwaas oo saxiixay qoraal ay go’aankan ku cambaaraynayaan, kuna tilmaamayaan mid sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here