Beesha caalamka oo barlamaanka Soomaaliya ugu baaqday in uusan wada-tashi la’aan go’aan ka gaarin arimaha doorashada dalka

0
469

Beesha caalamka ayaa bayaan ay soo saartay waxay carrabka ku adkeysay baahida joogtada ah ee loo qabo wadahadal dhameystiran oo faah-faahsan oo dhex mara madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada.

Beesha caalamka ayaa soo dhawaysay ku dhawaaqidda uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ku dhawaaqay in uu kulan la yeelan doono dhammaan madaxda dawlad goboleedyada 5ta illaa 8da Luulyo, iyaga oo ku booriyay in kulankaas uu noqdo tallaabada xigta ee wada-tashi ballaaran oo ay yeeshaan saamilayda ugu muhiimsan siyaasadda dalka.

Beesha caalamka ayaa barlamaanka Soomaaliya ugu baaqday in la xoojiyo heshiiska siyaasadeed ka hor inta aan la gaarin go’aannada kama-dambeysta ah ee loo marayo qabashada doorashooyin qaran iyo arrimaha kale ee degdega loogu baahanyahay ee leh hortabinta qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here