Midowga Yurub oo joojiyay dadka uga imaya 14 dal

0
213

Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday 14 dal oo muwadiniintooda loo arko in ay badqabaaan kuwaas oo loo ogolaan doono inay qaaradaas booqdan wixii ka dambeeya kowda Luulyo iyada oo ay dalalka midawgan bilaabeen khafiifinta xayiraadaha isu sicid ee uu keenya cudurka coronavirus.

Maraykanka, Brazil iyo Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay inay booqdan Yurub.

Dalalka loo ogolaan doono in ay dadka jooga u soo safraan dalalka Yurub waxaa kamid ah Australia, Canada, Japan, Morocco iyo Kuuriyadda Koonfureed.

Midowga Yurub ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in Shiinaha uu ku daro liiska haddii shiinaha uu heshiis kaas la mid ah u ogolaado dadka Yurub.

Waxaa xuduudaha la isugu furay muwadiniinta Yurub ku nool ee safarada isaga dhex gooshaya, waxaase si gooni ah loola macaamilaa muwadiniinta UK kadib markii uu dalkaasi ka baxay midawgan.

Liiska wadamada badqaba ayaa la filaya in dib u habeyn lagu sameeyo sida dalalka Algeria, Australia, Canada, Georgia, Japan, Montenegro, Morocco, New Zealand, Rwanda, Serbia, Kuuriyada koonfureed, Thailand, Tunisia iyo Uruguay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here