Puntland oo lagu wareejiyay qalab looga hortego cudurka COVID-19

0
154

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo ay weheliyaan Agaasimayasha waaxyaha iyo la-tiliyaha wasiirka ayaa Maanta xafiiskiisa ku soo qaabilay qunsulka safaarada dalka Ethopia ee Puntland Gen Mebrahtu.

Agaasimaha iyo qunsulka ayaa kulan waqti dheer qaatay kaga wada hadlay xiriir dhex mara qunsuliyada iyo wasaaradda iyo sidii looga wada shaqayn lahaa xakamaynata Safmarka COVID-19.

Agaasime Cabdirisaaq ayaa ugu horayn soo dhaweeyay qunsulka “ waxaana uu la wadaagay si guud xogta Covid19 halka uu marayo Puntland, guulaha laga gaaray xakamayntiisa, waxaa sidoo kale uu bogaadiyay qunsuliyada ardayda ay siiyaan sanadkasta deeqaha waxbarasho iyo sida marka ay soo laabtaan uyihiin kuwa aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba dhisan, waxaana uu usoo jeediyay inay sii wadaan.”

“Agaasimaha ayaa sidoo kale ka hadlay in la xoojiyo xiriir ka dhaxeeya qunsuliyada iyo wasaaradda si looga wada shaqeeyo horumarinta aqoonta xirfadlayaasha caafimaadka iyo adeegyada muhiimka ah ee ay ka caawin karto.”

Kulanka markii uu soo dhamaaday ayaa qunsulku ku wareejiyay wasaaradda qalabka looga hortago safmarka Covid19, waxaana uu xusay ina ysan ahayn markii ugu horaysay balse ay sii wadi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here