Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbalanad oo xariga ka jaray waddo cusub oo laga hirgaliyay magaalada kismaayo

0
636

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad Gobaledka Jubbalanad Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta waxa uu xariga ka jaray waddo cusub oo laga hirgaliyay duleedka magaalada kismaayo taas oo lagu bedelayo waddada garoonka dhaxmarta ee aad deegaanada galbeedka magaalada Kismaayo.

Munaasabad kooban oo loo sameeyey oo loo sameeyey xarig jarka waddada ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeenta Jubbaland, maamulka degmada Kismaayo xubno ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeenta  Dowlad Gobaledka Jubbaland Ismaaciil Axmed Garas  oo goobta ka hadlay ayaa u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geesatay dib u habaynta waddadan.

Mudane Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne Ku-xigeenka 1aad Ee Dowlad Gobaledka Jubbaland ayaa dhankiisa Faahfaahin Guud k bixiyay marxaladaha kala duwan ee wadadaan cusub  loo maray  iyo inta ay qaadatay dhismaheeda, wuxuuna dadweynaha kula dardaarmay in ay ilaaliyaan bedqabka waddada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here