Madaxweynaha Jubbaland oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxwaynaha Galmudug

0
16

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed cabdi kaariye Qooqqoor.

Labada Madaxweyne ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, waxaana inta kulanku socday ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda dalka.

Marxaladda kala guur ka ee dalku marayo ayaa qayb ka ahyd waxyaabaaha ay ka wada hadleen labada Madaxweyne Jubbaland Axmed maaxmed islaam iyo Madaxweynaah Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

kulankan oo ahaa casho sharaf  yaa Madaxweynaha Galmudug hoyigiisa ugu sameeyay Madaxweynaha Jubaland, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray oo lagu faaqiday Doorashooyinka 2020/2021 iyo iskaashiga labada Dowladood.

Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi maxamed farmaajo ayaa waxaa shir uu uga socdaa Magaalada Muqdisho, waxaana mas’uuliyiintu ay ka shirayaan sidii go’aan looga gaari lahaa arrimaah siyaasadda ee hadda taagan gaar ahaa doorashooyinka soo aaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here