Wafdi ka socda Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland oo gaaray Deegaanka Baarka

0
59

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Arrimaha Gudaha ee dowlad Goboleedka Jubbaland Aadan Faarah Gaarane iyo Wafdi uu Hoggaaminayay ayaa  gaaray Tuulada Baarka oo dhacda Waqooyigga Magaalada Kismaayo.

Wafdigaan ayaa socdaalkooda daaranaa dhisidda Guddigga xalinta qilafaadka iyo isku xirka Tuulada Baarka iyo dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Wafdigga markii uu gaaray Tuulada waxa warbixin kooban ay ka dhagaysteen Gudoomiyaha deegaanka Baarka Xuseen Axmed Cusmaan wuxuuna ka warbixiyay xaalada deegaanka.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay inay muddo ku jireen gumaysi balse hadda ay yihiin xor islamarkaana Dowlad Gobaleedka Jubbaland ay ka sugayaan dadka deegaanka ka haqabtirkaa baahiyaha gaarka ah ay qabaan.

 “Walaalayaal waxaan joognay wax badan waxaana ku jirnay cabiidsi iyo gumeesi maanta waxaan nahay xor waxaana nala joogo dowlad gobaleedka Jubbaland” ayuu yiri Gudoomiye Xuseen Axmed Cusmaan

Geesta kale Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga Degmada Kismaayo oo qayb ka ahaa Wafdigga Agaasimaha ayaa ka hadlay kulanka isagoona ku dheeraday muhiimada ay leedahay in tuulooyinka Baarka, Sanguuni, Wirkooy iyo Singaleer, loo dhiso gudiyo ka shaqeeya arrimaha xalinta qilaafaadka.

“Waxaan halkaan u soo gaarnay in  wixii bahiyo ah oo meshaan ka jiro aan ogaano kadibna aan u gudbino dowladda islamarkaana meeshaan laga dhiso  gudi khilafaadka jiro xaliyo” ayu yiri Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga Degmada kismayo.

Gabagabadii Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in u jeedka rasmigga ah ee Wafdiggaan uu yahay in la sameeyo gudi ka shaqeeya arrimaha xalinta qilafaadka iyo nabad galyada deegaanada Baarka, Sanguuni, Wirkooy iyo Singaleer islamarkaana deegaanadaan Jubbaland ay u dhamaystiri doonto waxkasto oo bahiyadooda ah.

“Kadib markii meesha la xoreeyay waxaa ka sameenay Maamul ku meel gaar ah Waxaana rabnaa in aan ka shaqayno hormarka deegaanada Baarka, Sanguuni, Wirkooy iyo Singaleer dhammaan” sidaas waxa yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here