Kismaayo: Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed iyo Maalinta Cunada Aduunka oo laga xusay

0
214

Munaasibad lagu xusayay 75 sano guuradii kasoo wareegtay Maalinta Beeraha Soomaaliya iyo maalinka cuntada aduunka ayaa lagu qabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose kaasoo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Munaasibaddaan lagu xusayay maalinta cunada adduunka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Suldan Cabdi Qaadir Xaaji Maxamud (Luga-dheere) iyo Mus’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland, qaar kamid ah golaha wasiirada Jubbaland, iskaashatada Beeraaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magalada Kismaayo.

Xafladaan waxaa daah furay  Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubbaland Geele Maxamed Aadan wuxuuna si faah-faahsan uga hadlay muhiimada ay leedahay Maalintaan oo kale.

“Waxaan ka bilownay meel hoose 13 kursi oo caag ah iyo hal miis Maantana Alle Mahadi ha ka gaarto” ayuu yiri Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Jubbaland wuxuuna intaa ku daray  Maanta waxaa joogo 14 Shaqaale ah waxa kalo joogo dhowr iyo afartan qof oo ka faa’iidaysatay Mashaariicda Wasaarada Beeraha.

Gudoomiyaha Gudigga Arrimaha Beeraha ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland Xildhibaan Hiirad ismaaciil Maxamed  oo madasha ka hadlay ayaa xusay in Beeralayda ay dardargaliyaan abuurka dalagyadiisa ka duwan.

“Wasaaradda Beeraha shaqo badan ayay qabatay weyna noo muuqata waxaana ku nool nahay deegaan qani ku ah Beerashada Dalagyadiisa kala duwan” ayuu yiri Gudoomiyaha Gudigga Arrimaha Beeraha ee Barlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland xildhibaan Hiirad Ismaaciil Maxamed.

Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsigga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan ayaa bogaadiyey shaqada ay qabatay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland waayihii danbe.

“runtii shaqada Wasaaradda Beeraha maanta waa mid aan wada arkeeno waxaana bogaadinayaa iskaashatada Beeralayda sida ay ugu diyaar garoobeen inay wax soo saar yeeshaan” ayu dhahay Wasiirka Ganacsigga.

Munaasibadda waxaa soo xiray  Madaxwayne ku xigeenka labaad ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-Dheere) wuxuuna si adag ula dardaarmay Beeralayda Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland.

“Guul ayaa ka muuqato Wasaaradda runtii shaqo adag ayay qabatay Samir badan kadib Maanta waxey joogtaa meel wanaagsan waana sharaf aan ku amaaneyno Wasaaradda wax qabad-keeda.

Ugu danbayn Munaasibadaa waxaa shahadooyin lagu gudoonsiiyay shaqsiyaad ay Wasaaradda u garatay in ay yihiin kuwa guulo iyo hormar ka gaaray wax soo saarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here