Booliska Dagmada Kismaay oo so qabtay xubno ka tirsan Shabkadaha ka ganacsado Carruurta

0
418

Ciidamada Booliska Dagmada Kismaayo ayaa shalay  Duleedka Magaalada kasoo qabtay Haweeney ka tirsan Shabkadd ka Ganacsado Caruurta taas oo xiligga lasoo qabanayay wadatay ilmo yar oo ay soo xaday.

Haweenaydaan oo magaceeda lagu sheegay Samiira Xasan Maxamuud oo Booliska baritaano ku sameyeen ayaa sheegtay inay ka tirsaneed Shabkaddaha ka Ganacsada Carruurta yar yar.

Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Degmada Kismaayo  Gaashaanle Warsame Axmed Geele oo Warbaahinta Dowlada la hadlay ayaa sheegay in Saldhigga Booliska Xaafadda Midnimo lasoo gaarsiiyay kiis ah Wiil yar oo la xaday.

“Ciidamada Booliska waxay sameyeen howlgalo lagu baadi goobayo Wiilka yar intii uu socdy baaritaanka ayaa waxa helnay xog sheegaysa in Wiilka Magaalada laga saaray” ayuu yiri Gaashaanle Warsame Axmed Geele.

Sido kale Taliyaha waxa uu sheegay in Ciidamada Booliska oo kaa shanaya shacabka ay soo qabteen Haweeney wadatay Wiilka islamrkaana lagga soo qabtay meel 5 kiilo mitir u jirto Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

“Haweenayda markii aan waraysanay waxay noo sheegtay in Cunuga la rabay in laga ganacsado islamarkaana loo balan qaaday in la siinayo 5 kun oo dolar” ayuu yiri Gashaanle Warsame Axmed.

Ka Ganacsiga Carruurta ayaa wayihii danbe waxa uu aad ugu soo badanayay Bartahamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here