Afghanistan: 11 Caruur ah iyo Macalinkoda oo duqayn ku dhintay.

0
85

Inta la xaqiijyay illaa 12 ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday Dugsi lagu barto diinta Islaamka oo ku yaala gobolka Takhar ee waqooyiga Afghanistan.

Waxay sheegeen Sarakiil deegaanka ah in duqeyntu ay ka dhacday dugsi Qura’aan oo ku yaalla tuulada Hazara Qurluq ayna ku dhinteen 11 caruur ah iyo macalinkoodii.

Duqaynta oo ka dhacday Tuulada la yiraahdo Hazara Qurluq ayay shegeen Sarakiil deegaanka in ay ku geriyoodeen 11 caruur ah iyo macalinkoodii.

Ka hor Duqeyntan ayaa  30 xubnood oo ka tirsan Ciidamada Amniga Dowladda Afghanistan lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay Taalibaan ku qaadeen gobolka.

Afghanistan waxay sheegtay inay ku dishay aaga duqeyntu ka dhacday 12 dagaalyahan oo ka tirsan Taalibaan.

Saraakiisha gudaha ayaa sheegaya in 14 kale ay ku dhaawacmeen duqeynta dhanka cirka ah ee halkaa ka dhacday Arbacadi.

Kooxaha Taalibaan ayaa inta badan weeraro toos ah iyo kuwa ismidaamin ahba ku qaado Ciidamada Amaanka Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here