Kismaayo: NUSUJ oo Tababar u so xirtay 40 Wariyayaal

0
209

Ururka Suxufiinta Qaranka Soomaalieed ee NUSUJ ayaa Magaalada Kismaayo Xarunta Gobalka Jubbada Hoose tababar ugu so xirtay 40 Wariyayaal ah oo iskugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Wariyaasha ayaa tababarkaan waxa ay ku baranayeen soo tebinta rabshadaha ku salaysan tacadiyada jinsiga, waxaana casharada bixinayay qabiiro ka tirsan Wariyayaasha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Tababarkaan oo Muddo labo Maalin ah socday ayaa waxaa si wada jir ah u so agaasimay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo taageero ka helaye Hay’ad UNFPA.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Haweenka arrimaha qoyska iyo Xuquuqul iinsaanka Dowlad Goboleedka Jubbalaand Maxamed Xuseen Maxamed oo so xiray tababarka ayaa sheegay in Wariyaasha ay wax badan ka fa’ideen soo tebinta rabshadaha ku salaysan tacadiyada jinsiga.

“Wariyayaasha sifican ha uga fiirsadaan hanaanka ay wax u tabinayaan sababto ah codkooda meel dheer ayu gaaraya” ayu yiri Agaasimaha wuxuuna inta ku daray “markasta waxa tihiin kuwa buslahada gaarsiiyo kuwa aan codkooda la maqlin.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSUJ ayaa Wariyayaasha Soomaaliyeed markata siiya tababaro kor logu qaadayo xirfadooda iyo hanaanka tabinta wararka ku salaysan xaqiiqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here