Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM oo so dhaweeyay Wasiirka cusub Gargaarka Soomaaliya

0
144

Iyado Xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada Soomaaliya laso Magacaabay Taladadii ayaa Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula waxa hambalyo u diray Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadija Maxamed Diiriye oo lo Magaacay.

Adam Abdelmoula oo ah Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Wuxuu xusay in si gaar ah xafiiska QM uu la shaqaynayo Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

 “Hambalyo Hon. Khadija Mohamed Dirie oo noqotay Wasiirka cusub ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka. Waxaan rajeynayaa in aan sii xoojinno iskaashiga aan xal ugu raadineyno culeysyada seddex geesoodka ee bani’aadannimo ee Soomaaliya, waxaan u xal raadin doonnaa culeysyadaas innaga oo qaadeynta dadaal loo dhan yahay oo xal-waara lagu raadiyo”. Ayuu qoraalkiisa ku yiri Mr. Adam Abdelmoula, Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xogheyaha guud ee QM

Geesta kale Abdelmoula oo sidoo kale ah isu-duwaha xafiiska gargaarka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku carabaabay in Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka uu la shaqayn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here