Baarlamaanka Soomaaliya oo codka kalsonida u qadaya Golaha Wasiirada cusub

0
149

Maanta oo sabti ah ayaa Baarlamaanka Xukuumada Soomaaliya waxa ay iskugu imanaya Xarunta fila Hargaysa, waxaana la filaya inay kulankoda ku ansaxiyaan Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codka kalsonida u qaadi doono Xukuumada cusub ee Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa qaar kamid ah Golaha wasiirada Cusub iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay yeelanayeen kulamo kala duwan, iyada oo Golaha Wasiirada Magacaaban ay codka kasloonida weeydiisanayeen Xildhibaannada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa ka codsaday isbuucii laso dhaafay Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla wasiirada, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 19-kii bishaan Magacaabay golihiisa Wasiirada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here