Ciyaar logu Magac daray Nabadaynta Beelo ku Dagaalamay duleedka Kismaayo oo lagu qabtay Garoonka Waamo

0
220

Ciyaar aad u xiiso badan islamarkaan u dhaxaysay kooxaha Iftin iyo Shaqaalaha oo ka tirsan Kooxaha heerka labaad ee Dagmada Kismaayo ayaa shalay galinkii danbe waxa lagu qabtay Garoonka Waamo.

Dad wayne aad u faro badan ayaa uso daawasho tagay ciyaarta, u jeedka kulanka labada kooxood ee iftin iyo shaqaalaha ayaa ahaa  koob loogu Magac daray koobka Nabadaynta Beelihi Walaalaha ahaa ee sanad ka hor ku Dagaalamay Duleedka Magalada Kismaayo.

Ciyaarta labada kooxdood oo ku bilabatay jawi dagan ayaa qaybti hore lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hogaaminaysay kooxda iftin.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda iftin waxa ay la imaaday gool sadexaad kaas oo u suurta galiyay inay hogaanka ku dheresato.

Kooxda Kubada Cagta Shaqaalaha ayaa gabagabadi ciyaarta la timid gool qura waxaana ay guusha sidaas ku raacday Naadiga Kubada Cagta Iftin oo ku guulaystay Koobki Nabada.

Ciyaartaan ayaa waxa so agaasintay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha  Dowlad Goboleedka Jubbaland oo gacan ka helaysa  Wasarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose  ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here