Kumaandooska Soomaaliya oo howlgal ku dilay Hogaamiye Al-shabaab u xil saarna Maaliyada

0
274

Sargaal ka tirsana Ururka Al-shabaab islamrkaana u qabilsana Maaliyada ayay Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab waxa ay shegeen inay ku dileen deegaannada Afgooye iyo Balcad oo ka tirsan Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose .

Ciidamada Danab ayaa sheegay in ay ka fuliyeen howlgalo deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose.

Howlgaladaan ay fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa waxa lagu dilay ila 6 nin oo ka tirsanaa Ururka Alshabaab sido kalena waxa la dilay horjogihi watay kooxdaas sida ay shegeen Sarakishii hogaaminaysay howlgalka.

Horjoogaha la dilay ayaa Al-shabaab u qabilsanaa dhanka so uruurinta lacagaha islamarkaana  Ururka ku fulin jireen weerarada iyo ismidaaminta. Sido kale howlgalka ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay lahayeen Kooxda.

“Horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa lacagaha baadda ah ka qaadi jiray dadka shacabka, si ay ugu adeegsadaan dhibaataynta shacabka oo ay ugu horayso qaraxyada ay la beegsadaan goobaha ay ku badanyihiin rayidka.”ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Danab.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa Koonfurta Soomaaliya waxa ay had iyo jeerba ka fuliyaan howlgalo lagu beegsanayo hogaamiyayaasha Ururka Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here