Puntland: Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka oo maanta furmaya

0
77

Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa saaka ka furmaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Munaasabada furitaanka kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaano, Wasiiro, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin  kale.

Madaxweyaha Puntland Saciid Deni ayaa Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka ka jeedin doona Khudbad uu uga hadli doono arrimo kala duwan oo ku aadan Puntland, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha Doorashada.

Sido kale Madaxwayne Dani ayaa ka hadli doono arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo safarkii uu dhawaan ku tagay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Xarunta Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa saaka xili hore waxa xarunta gaaray masuliyiin badan kuwaas oo ka qayb gali doono Kalfadhiga

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Amaanka ayaa lagu so daadiyay agagaarka xarunta Baarlamaanka kuwaaas oo sugi doono Amaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here