Kulan loga hadlayo hindise sharciyeedka xadgudubyada aadanaha oo Kismaayo lagu qabtay

0
228

Magaalada Kismaayo Xarunta Gobalka Jubbada Hoose waxa lagu qabtay kulan loga hadlayo islamarkaana bulshada looga talo-galinayo hindise sharciyeedka xadgudubyada ka dhanka ah Jinsiga.

Kulankaan waxa so qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Iinsaanka Jubbaland, waxaana uu socon doona sadex maalmood.

Madasha Kulanka waxaa kasoo qaybgalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, Saraakiil ka tirsan Booliska Jubbaland, wakiilo ka socday hay’adaha caalamiga iyo qaar kamid ah howlwadeenada Wasaaradaha Jubbaland.

Isku-xiraha Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul insaanka Jubbaland Miski Yuusuf Cali oo furtay kulanka ayaa sheegtay in bulshada qaybaheeda kala duwan looga talo-galinayo hindise sharciyeedka islamrkaana laga saarayo wixi aan wanaagsaneen dhaqan ahaan iyo diin ahaan.

“intaas oo dhan waxa iskugu keenay wexe eheed in la sameeyo sharci ah mid dadka ka imaaday” ayay tiri isku-xiraha Wasaarada Haweenka.

Garyaqaan Cismaaciil Weheliye ayaa sheegay in dhaqan-galinta hindise sharciyeedkan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada, xili Soomaaliya ay ku soo badanayaan xadgudubyada ka dhanka ah Jinsiga.

“xeerkaan waa mid muhiim ah oo bulshada ka turjumayo wayahaan waxa jiray xad-gudbiyo la xiriiri galmada” ayu yiri Garyaqaan Cismaaciil Weheliye.

Gudoomiyaha Gudigga xuquuqul Iinsaanka Baarlamaanka Jubbaland Xildhibaan Faadumo Macallin Cali ayaa xustay ahmiyadda ay leedahay in hindise sharciyeedkan laga talo-galiyo qaybaha kala duwan bulshada, waxayna ay xustay in ka Baarlamaan ahaan ay doorkooda ka qaadanayaan.

“sharciga ayaa ah midka lagu kala adkaan karo laguna sinaan karo sharcigaan waa hindise wali lama ansaxin sidaas darted bulshada waxa uga talagalineenaa in laga saaro wixi diinta iyo dhaqanka ka hor imaanayo” ayay dhahday Gudoomiyaha Gudigga xuquuqul Iinsaanka Baarlamaanka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here