Soomaaliland oo hakisay howlaha Qaramada Midoobe

0
116
The UN envoy for Somalia, James Swan, is received by the President of Somaliland at the presidential palace in Hargeisa, Somaliland during a working visit on 28 July 2019. UN Photo/Abdikarim Mohamed

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland ayaa sheegaya in Xukuumada Somaliland ay shaacisay inay hakisay dhammaan barnaamijyadii iyo qorshayaashii shaqo ee hay’addaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaanadeeda.

Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Soomaaliland, ayaa soo saartay bayaan ay ku shaacisay inay hakisay wada shaqeyntii ka dhaxeysay UN-ka iyo Soomaaliland.

go’aankaan ayaa soo baxay shalay oo ku beegnayd 25-ka bisha Octobar iyadoona uu si rasmi ah uga dhaqan galay deegaada Soomaaliland, sida bayaanka lagu sheegay.

xukuumadda Soomaaliland illaa hada ma eysan sheegin sababta ay go’aankaan u qaadatay.

Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii Qaramada Midoobay ay heshiis cusub ah la saxiixatay dowladda federalka Soomaaliya, heshiiskaas oo baddali doona heshiiskii hore oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.

Heshiiska wuxuu tilmaamayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go’an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030.

Waxaa kaloo heshiiska qeyb ka ah, balse aan saxaafada laga sheegin, in dowlada federalka Soomaaliya lasoo marsiinayo dhammaan barnaamijyada Qaramada Midoobay ka fulinayso Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here