Galmudug: Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobalada iyo kuxigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud oo la dhaariyay

0
29

Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu dhaariyay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobalada iyo kuxigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug oo dhawaan uu Magacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Munaasibada oo ka dhacday gudaha Madaxtooyada ayaa waxa goo-joog ahaa Madaxweynaha Galmudug Mudane Maxamed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) Xeer-ilaaliyaha Guud, iyo Hanti-dhowrka Guud ee Galmudug, xubno ka tirsan labadda Gole ee dowladda howl-wadeennada caddaaladda.

Madasha ay ka dhacaysay dhaarinta Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobalada iyo kuxigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa waxa hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Garyaqaan, Cabdullaahi Maxamuud Gacal wuxuuna kula dardaarmay xubnahaan inay dadkoda daacad wax ugu qabtaan.

Ugu danbayn Mudane Maxamed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) Madaxwaynaha Galmudug ayaa isagana la dardaarmay xubnahaan Hay’addaha Garsoorka ah wuxuna ugu hambalyeey xilka islamarkaana uu faray inay siwanaagsan u shaqeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here